Madax waynaha shaqadiisu,shaqadiisu ma ahan Tacsida Madaxda la laayo,ee shaqadiisu waa la xisaabtanka iyo wax ka waydiinta cida uu amniga u dhiibay.
Xasan iyo xilkiisa eega
xantaan suuqa taal bal fiirsha
xasuuqii doraato daawo
xafladii ka danbaysay fiirso
xaqoodii bal raadi maanta
xogtoodii waxay ahaatay
xil bay no hayeen doraato
xabaalaha maanta fiiri
xubnihii baarlamaanka raadi
Qoraagii xiligan dayday
Waxay jiifaan xabaasha
Qore:Kamaal Macalin
Wednesday, February 25, 2015
Sunday, February 22, 2015
Hogatusaalayn!!!!
Hogatusaalaynta dadka wax loogu tilmaamo,waxaa kamid ah
Sheeko dhex martay gabar iyo wiil jeclaa,gabadha oo ahayd qof
imtixaamaysa wiilka,ayaa tiri "Hadii aad i jeceshahay waxaad ii keentaa
hooyadaa wadneheeda,"
wuxuu waydiiyay hadii uu u keeno wadnaha
hooyadiis in ay ogaalanyso,"Haa iyo hawraarsan ayay ugu
jawaabtay,"wiilkii oo ordaya ayaa hooyadiis u tagay una sheegay waxa uu
doonayo oo ah wadneheeda,hooyadii waxa ay tiri hadaad la baxdid
wadnahayga oo aad u gaysid maku ogolaanaysaa haa ayuu yiri,
haye labax wadnahayga oo u gee ayay tiri hooyadii naxariista badnayd,
Waa uu la baxay wadnihii hooyadiis asaga oo lasii ordaya ayuu kufay,wadnihiina dhulka ayuu ku dhacay,wadnihii baa hadlay oo yiri "Hooyo maxaa ku gaaray" Asagoo aan ku baraarugin hadalkaasa ayuu inta uu jafjaftay oo qaaday wadnihii u geeyay gabadhii oo ku yiri waakan wadnihii hooyaday ee ina keen waxay ku tiri "War nagatag doqonyohow"
Tan u fahmi waayay wiilku ayaa ah in uu asagu yahay wadnihii hooyadiis
Dulucda!!!!
Waxaan ka faa"idaysanaynaa sheekadan laba qodob oo kala ah naxariista
hooyada iyo Qof walbaa fahmo in uu asagu yahay wadnaha hooyadiis
Kamaal Macalin
By:Abwaan Mohamed Ibrahim Warsame (Hadraawi)
Taariikh Nololeedkii Allaha U Naxariistee C/shakuur Mire Aadan
Ilaahay Naxariistii Janno ha siiyo Marxuum Cabshishakuur Mire Aadan
wuxuu ku dashay Degmadda Qandala ee Gobolka Bari, 1963dii.Waxbarshada
Dugsiga hoose wuxuu ka bilaabay Isku-shuban 1970kii, wuxuuna ku
dhamaystay Buule Barde 1974, Dugsiga dhexe wuxuu ku qaatay Muqdisho,
wuxuuna ka baxay Dugsiga Sare ee Badda 1982, Wuxuu ka Qalanjabiyay
Kulliyadii Macalimiinta Farsamada. Qaybta badda isagoo ku takhakhusay
Nautical Science (Aqoonta Badmaaxnimada), Sanadkii 1986 wuxuu Macalin
ka ahaa Dugsigii sare ee badda Muqdisho. Sanadkii 1987 wuxuu shaqaale ka
noqday Wasaaradii Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda ee Dowladii
Somaliya.
Qoraalka wuxuu bilaabay 1982, Maqaalo ayuu ku qoray Wargeykii Xiddigta October. 1985 ayuu qoray qisadii Sooryo-dhagareed. 1986 wuxuu isku duba riday qoraal sheekooyin gaagaaban Xusuus caashaq. 1987 wuxuu qoray qiso xiiso badan Dhalanteed jacayl 1988-dii wuxuu qoraalkiisa wax ku lahaa film la oran jiray Eedaysane, islamarkaana ka ahaa soo saare. Sanadkii 1991 wuxuu ka aas aasay Magaalada Kismaayo Wargayska Ilays.
2001 wuxuu mulkiile iyo Agaasime ka ahaa Radio Midnimo oo ku tiil Magaalada Bosaso, 2008 wuxuu dib u bilaabay Wargayskii Ilays news paper oo ka soo baxa Magaalada Bosaso. 2003 ayuu xubin ka noqday Bahda Qalinleyda Soomaaliyeed” Somali Speaking Pen” . Sanadkii 2003 Wuxuu Soo Saaray Buugii Koboca Islaamiyiinta Soomaaliya(1952-2002).
Alla ha u naxariistee, C/shakuur Mire Aadan jagooyin kala duwan ayuu ka soo qabtay Maamulka Dowladda Puntland, 2002 Wuxuu noqday Wasiir k/xigeenkii Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta ee Puntland, isla Jagaadaas Waxaa uu markale Qabtay Sanadkii 2009 Maamulkii Madaxweyne C/raxmaan Faroole. Waxaa kaloo uu Qabtay Jagada Wasiiru Dowlaha Dekedaha iyo la Dagaalanka Burcad- Badeeda Puntland, sidoo kale wuxuu la Taliye u noqday Madaxweyne Cadde Muuse Xirsi.
Alla ha u naxariistee, C/shakuur Mire Aadan Wuxuu ifka kaga Tagay Saddex Caruur Labo Wiil iyo Gabar iyo Hooyadood . Alle ha u naxariistee Walaalkeen Cabdi shakuur mire Waxaa lagu Xasuusan Doono inuu Qoraa, Siyaasi Hadal Cad oo aan ka Gaban inuu runta ka hadlo, Wuxuu ahaa nin jecel inuu Taariikh uga Tago Dadkiisa iyo Dalkiisa, Wuxuu ahaa Saxiib dhow oo Warbaahinta iyo Saxafiyiinta ay lahaayeen.
Inaa lilaah waa Inaa illahi Raajicuun
W/Q : Cumar Siciid Maxamed

Kala Maan
Kala Maan
Waxaan daawaday barnaamij TV oo
saynisyahan British ahi uu baarayo bal in nolol kale oo midda aan naqaan ahayni
ay ka jirto dunida.
Wuxuu badda hoos u galay 2 km si uu u eego qabowga iyo
mugidiga meeshaa ka jira in ay nololi ka jiri karto.
Wuxuu eegay lama degaanka Atacama (Atakama) oo 50 jeer ka sii qallalan midka
Sahara.
Wuxuu booqday goobo kale oo ay ka mid yihiin buuro barafoobay iyo
volcano aan demin oo ku yaal degaanka Cafarta Ethiopia.
Wuxuu adeegsanayay ereyga "ilbaxnimadeyda", asaga oo ula jeeda ilbaxnimada Aadanaha.
Wuxuu adeegsanayay ereyga "ilbaxnimadeyda", asaga oo ula jeeda ilbaxnimada Aadanaha.
Gunaanadkii waxaa uu fasiray macnaha ay
sameyneyso haddii nolol laga helo meerayaal kale oo ka tirsan carra edeg.
Waxaan soo xusuustay dood uu xilli aan
fogeyn iila yimid mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Wuxuu wakhti dhan
geliyay in uu ii fasiro wax uu isagu u yaqaan “Ku dhashay” iyo “U dhashay” oo uu siyaasad ka dhigayo.
Barnaamijka baadi goobaya in Mars iyo
Jupiter ay nololi ka jiri karto ee raba in uu i baro sida looga faa’iidi karo
iyo wey isu key qaban waayeen Xildhibaanka raba in uu i baro “Ku dhashay” iyo “U
dhashay” .
Fadlan ra'yigaaga xagga hoose ee isla boggan ku reeb.
Fadlan ra'yigaaga xagga hoose ee isla boggan ku reeb.
By.Yusuf Garaad
Subscribe to:
Posts (Atom)