Tuesday, March 10, 2015

Xilku Dhaxal Ma ahan

Arinta Garoowe la iiga soo sheegayo waxaan u arkaa in ay tahay
" Cadyohow Ku Cunay Ama Ku Ciideeyay "
Xilku waa meerto boowe
Xaasidna ha noqonin boowe
Xoogsi ma ahan xilku boowe
Ha is xiijin adigu boowe
Kolay xantu saan maqalnay
Waa lagaa xayuubin boowe
Rag xifaaltankoodiyo boowe
Xiniinyana ku doon ma ahan
Xiisahana jooji boowe
Waa la xalin doonaaye

Xilku Dhaxal ma ahan

Arinta Garoowe la iiga soo sheegayo waxaan u arkaa in ay tahay
" Cadyohow Ku Cunay Ama Ku Ciideeyay "
Xilku waa meerto boowe
Xaasidna ha noqonin boowe
Xoogsi ma ahan xilku boowe
Ha is xiijin adigu boowe
Kolay xantu saan maqalnay
Waa lagaa xayuubin boowe
Rag xifaaltankoodiyo boowe
Xiniinyana ku doon ma ahan
Xiisahana jooji boowe
Waa la xalin doonaaye

Isbitaalka Iyo Qabuuraha


Salaan kadib,waxaan dhamaan muslimiinta ku hadasha Afka Soomaaliga ee fahmaysa qoraalkan la waadaagayaa qormadaan,
Waxaan booqday Qabuuraha iyo Isbitaalka laba xili oo isku xiga ama Hameen iyo Maalin,sidaa darteed waxaa ila gudboonaatay in aan qormadaan idin lawadaago.

Walaalayaal Allah (SW) Kor ahaaye wuxuu yiri ,
كل نفس ذائقة الموت وإنما توفون أجوركم يوم القيامة 
Naf kastaa waxa ay dhadhaminaysaa geerida ama mowtka.sidaa darteed walaalayaal cid maanta ugu badan oo hilmaansan ama ay ku yartahay xusuusta geeridu waa dhalinyarada taasna waxaa u sabab  ah wakhtiga iyo caafimaadka iyo awooda Illaahay ku manaystay dhalinyarada iyo marxaladaas oo ah marxalad ugu badan ee wax lagu hilmaamo.

Dhalinyaranimada,rag iyo dumar  ayaa ayaduna ah marxalada  uu qofku  ku fitnoobo oo uu geerida iyo cabsida alle ku ilaawo ama uu ku noqdo qof Illaahay ku xiran .walaal waxaan rabaa inaan qormadaan kusoo gudbiyo ama aan kugu xasuusiyo geerida walaal ma jirto balan qaad ah  in qofkastaa oo dhimanaya uu maro marxalad ah in uu xanuusan doono dabadeed dhimanayo.waxaa jira geeri dagdag ah oo qofka ku timaadda asaga oo hilmaansan mawtka.(موت الفجأة)


Waxaase hubaal ah in aduunkan lagaa wadayo wakhtiga aad u caafimaad badantahay uguna awooda iyo wakhtiga badantahay,
Xaqiiqadu waxay tahay ma jiro qof maanta aduunyada geeri ka door bidaya Bani aadam walbaa waxa uu jecelyahay in uu kusii nagaado daarta aduunyo.ee dhamaanaysa

Rasuulku (SCW)Asaga oo ka hadlaya aduunyada raqiisnimadeeda waxa uu yiri 
"Qofkiin fartiisa bada ha galiyo kadib hakasoo saaro inta ay fartaas soo qaado buu aduunku lamid-yahay"

Waxaan ognahay in aan dhamaanteen ku xukumanahay dhimasho iyo in aan mari doono imtixaan,

waxaa xaqiiqo ah in naoloo sheegay ama nalooku cel celiyo maalin walba su'aalaha nalaku waydiin doono imtixaankaas.

"Allaahayow su'aasha qabriga noo fududee"


Walal waxaa markhaati ma doonto ah aduunkan laga tago,mana ahan daarta laggu nagaanayo tan ee waa daarta danbaysa oo Illaahay ku tilmaamay daar aan dhamaanayn.

Cida kaliya ee baaqiga ahaanaysa waa Allah (SW)kor ahaaye,

Walaal waxaad mar walba xasuusataa Geerida iyo Qabriga,waxaadna ku baraarugsanaataa in aad mari doontid marxaladaas.waxa keliya ee ku badbaadin karaa walal waa camal-kaaga wanaagsan cid kaliya ee naloosheegay in ay badbaado u qorantahay waa cida camal wanaagsan la tagta Alle (SW) Kor ahaaye hortiisa.

Gunaanad.

Walaal waxaa Illaahay (SW)kor ahaaye inaku tilmaamay in aan nahay umad is farta wanaaga iskana reebta xumaha.waxaana inala gudboon in aan sifada Allah (SW)kor ahaaye inaku tilmaamay aan yeelano.

Illaahay ha ina ka dhigo kuwa is fara wanaaga xumaantana iska reeba.

وباللة توفيق


Mahadsanidiin

Qore:Kamaal Macalin