Sunday, December 13, 2015



10 Qodob oo aad ku siyaadin kartid fikiradahaaga iyo hal abuurkaaga

Fekarku waa qayb ka mid ah lagama maarmaanka maskaxda bani aadam-ka,tobankaan qodob waxay ay kaa caawinayaa xaaldheerida fikirka iyo hal-abuurka .wax walba oo shaqo laagu talagayalay oo aan lagu shaqayn ama aan sidii loogu tala galay loo hawl galin waxay noqdaan fadhiid,ka ilaali maskaxdaada in ay noqoto haw-gab ama fadhiid adigoo raacaya qodobadaan
1-Ufur maskaxdaada maqal ahaan iyo aragti ahaanba wadaayinka sahaminta, si ay usoo xasiliso waxyaabo cusub,taasi waxay ku dhaxalsiinaysaa waaya aragnimo xeeldheer oo aad la noolaatid.
2-Akhri in badan.in akhrisku yahay wado cilmiga ugu badan lagu helo waxaa cadayn inoogu filan Qur’aanka ILLAAHAY (SWT) soo dajiyay aayadii u horaysay  (IQRA) akhrisku waa macaash iyo milgo badanyahay sagana ku dadaal.
3-Dhagayso taariikhaha.
dhagaysiga dadka waawayn ee cimri ahaan iyo caqli ahaanba kaa wayn waxaad ka helaysaa waxyaabo aadan horay u ogayn oo ay kamidyihiin taariikho hore,meelo lagu hoobtay,ama sanado lasoo barwaaqoobay intaba isugu jira .

4-Ahaw mid cajiib ah.
baro oo soo saar fikrado cusub oo loo riyaaqo asxaabtaadana la wadaag oo kala sheekayso waxyaabo cusub feker ahaan iyo soo jeedin intaba .

5-Ha noqon mid ka baqa isku dayga wax cusub . 

Mar walba isku day hadii aad guulaysatid waxaad tahay kii isku dayay guushan.hadii aad heshid natiijo taa ka badalan waxaad baratay cashar waxaa kaloo kuu siyaaday khibrad.

6-Balaari danahaaga.
mar walba oo danahaagu badanyihiin waxaa bata fekerka maskaxdaada, maskaxda oo aad looga shaqaysiiyana waxaad ka macaashaa xirfado badan .

7-Hormari waxa aad ku fiicantahay.
wakhtiga ugu badan la qaado hibadaada iyo waxa alle kuu fududeeyay. Hana samayn bartilmaameed aad uga haraysid mawdka oo ku haleela ma ahee .

8-Wakhtigaaga geli dadka hal-abuurka badan fikiradohooduna ay wax tarka leeyihiin.badi dhagaysigooda dulqaadna u yeelo sharaxaadooda si aad u fahantid.

9-Daba gal ku same afkaaro kala duwan.
tani waxay ka milgo badantahay hal fikir oo lala kaliyoobo ,adiga oo wadooyin kala duwan ka fekera waa adiga oo cilmiyo kala duwan helaya .

10-Ku xaaladee maskaxdaada farsamooyin fikir si aad u nasato.
nasiinada maskaxda waxay ka dhigantahay dib usoo kicid ayada oo karaankeedu ka badanyahay intii hore .

FG:Arimahan oo idil waxaad ku guulaysan kartaa marka aad raali galisid  ALLAH (swt)

@Kamaal Macalin

Saturday, March 21, 2015

Top 10 Countries with the Fastest Internet

10. Norway

Norway
Norway is counted in a list beautiful countries of the world having an estimated population of 4,690,000 .There are many ISPs (Internet service providers) in Norway but some of the major ones that lead the industry are Telenor, Nextgentel, tele2, Nordcall Broadband, Mimer Broadband, Eidsiva Broadband and Ventelo and along with them there are many more which provide their services but have not captured a huge market. On averagely basis there are approximately 4.5 million people which uses Internet through multiple ways and per user the average connection speed is 4.6 Mbps.

9. Slovakia

slovakia
When it comes to Slovakia the very first thing which strikes the minds of people are the beautiful mountains and overall natural beauty. Slovakia holds the 9th position in the list of maximum Internetconnection speed countries. Some of the major ISPs of Slovakia are SWAN, ISK, NETLAB, PSGnet, Telenor, Alconet, SANET and many more. There are round about 4.1 million Internet users in Slovakia which connects to Internet through multiple sources and per user the average connection speed is 4.7 Mbps.

8. Belgium

Belgium
Belgium is one of those countries who are quite rich in terms of luxurious lifestyle and standard living trends and ofcourse how we can forget the waffles of Belgium. When it comes to average Internetconnection speed Belgium holds the 8th position in our list. Some of the most major ISPs of Belgium are EDPnet, Belgacom, Scarlet, Dommel, Billi, Mobistar and lot more. On approximate basis there are round about 8.2 million people who connect to Internet daily in Belgium and an average connection speed per user makes it up to 4.8 Mbps.

7. Netherlands

Amsterdam
Netherlands is almost a favorite country for every cheese lover. Netherlands holds the 7th position in our list.Some of the major ISPs of Netherlands are KPN, Orange, Tele2, Tiscali, BBned and lot more. There are round about 14.9 million regular Internet users in Netherland and the average speedconnection speed splits up to 4.9 Mbps.

6. Switzerland

Switzerland
Switzerland is one of the most beautiful places on earth and is known commonly for its awesome taste Swiss Chocolates.  This small west European country is a major hub for the finance industry, which demands hyper-fast digital connections. It is not behind in the web world as well and that’s why it holds the 6th position in our list. There are round about 5.8 million Internet users who connect to Internet on daily basis and the average connection speed equals to 5.2 Mbps.

5. Sweden

Sweden
Sweden is one of those countries who are famous for multiple things and are very popular when it comes to technology. When it comes to Internet usage Sweden is not behind and holds the 5th position in our list. From the last couple of years Internet usage has increased vastly in Sweden. Approximately there are 8.5 million users who use Internet on daily basis through multiple ways and the averageconnection speed per user equals to 5.9 Mbps.

4. Romania

romania
Romania is mostly famous for its outstanding food, music and beautiful land. Romania holds the 4th position in our list. Approximately there are 8 million users who connect to Internet through different sources and the average connection speed per user splits up to 6 Mbps.

3. Japan

Japan
Japan’s Internet industry is best described as voluntary self-regulation. There is no independent regulatory commission in Japan. The Ministry of Internal Affairs and Communications (MIC) regulates the telecommunications industry as well as the internet, and broadcast sectors. Tsunami affected Japan in a very bad way and brought Japan down in most of the things. Before this tragedy Japan used to rank number 2nd but now it ranks 3rd on our list on the basis of its average Internet connection speedwhich equals to 6.9 Mbps per user. Unlike most countries, Japan provides for freedom of speech and of the press, and the government respects these rights in practice.

2. Hong Kong

Hong-Kong
Hong Kong is one of those countries who are famous for trade and business and plays a key role in the world of finance. Of course how can we forget the food of Hong Kong. In our list Hong Kong stand on number 2nd. Out of the approximate population of 7.1 million the estimated people who connects to Internet daily are round about 4.9 million and the average connection speed per user equals 7.3 Mbps.

1. South Korea

South Korea
In the 1990s, South Korea set a priority that it would be a highly connected country with a high degreeof Internet literacy, and it has achieved it. On approximate basis there are 39.5 million Internet users in South Korea and the average Internet connection speed splits up to 15.2 Mbps per user. Almost the double then Hong Kong. (Well that’s a very high speed)

Tuesday, March 10, 2015

Xilku Dhaxal Ma ahan

Arinta Garoowe la iiga soo sheegayo waxaan u arkaa in ay tahay
" Cadyohow Ku Cunay Ama Ku Ciideeyay "
Xilku waa meerto boowe
Xaasidna ha noqonin boowe
Xoogsi ma ahan xilku boowe
Ha is xiijin adigu boowe
Kolay xantu saan maqalnay
Waa lagaa xayuubin boowe
Rag xifaaltankoodiyo boowe
Xiniinyana ku doon ma ahan
Xiisahana jooji boowe
Waa la xalin doonaaye

Xilku Dhaxal ma ahan

Arinta Garoowe la iiga soo sheegayo waxaan u arkaa in ay tahay
" Cadyohow Ku Cunay Ama Ku Ciideeyay "
Xilku waa meerto boowe
Xaasidna ha noqonin boowe
Xoogsi ma ahan xilku boowe
Ha is xiijin adigu boowe
Kolay xantu saan maqalnay
Waa lagaa xayuubin boowe
Rag xifaaltankoodiyo boowe
Xiniinyana ku doon ma ahan
Xiisahana jooji boowe
Waa la xalin doonaaye

Isbitaalka Iyo Qabuuraha


Salaan kadib,waxaan dhamaan muslimiinta ku hadasha Afka Soomaaliga ee fahmaysa qoraalkan la waadaagayaa qormadaan,
Waxaan booqday Qabuuraha iyo Isbitaalka laba xili oo isku xiga ama Hameen iyo Maalin,sidaa darteed waxaa ila gudboonaatay in aan qormadaan idin lawadaago.

Walaalayaal Allah (SW) Kor ahaaye wuxuu yiri ,
كل نفس ذائقة الموت وإنما توفون أجوركم يوم القيامة 
Naf kastaa waxa ay dhadhaminaysaa geerida ama mowtka.sidaa darteed walaalayaal cid maanta ugu badan oo hilmaansan ama ay ku yartahay xusuusta geeridu waa dhalinyarada taasna waxaa u sabab  ah wakhtiga iyo caafimaadka iyo awooda Illaahay ku manaystay dhalinyarada iyo marxaladaas oo ah marxalad ugu badan ee wax lagu hilmaamo.

Dhalinyaranimada,rag iyo dumar  ayaa ayaduna ah marxalada  uu qofku  ku fitnoobo oo uu geerida iyo cabsida alle ku ilaawo ama uu ku noqdo qof Illaahay ku xiran .walaal waxaan rabaa inaan qormadaan kusoo gudbiyo ama aan kugu xasuusiyo geerida walaal ma jirto balan qaad ah  in qofkastaa oo dhimanaya uu maro marxalad ah in uu xanuusan doono dabadeed dhimanayo.waxaa jira geeri dagdag ah oo qofka ku timaadda asaga oo hilmaansan mawtka.(موت الفجأة)


Waxaase hubaal ah in aduunkan lagaa wadayo wakhtiga aad u caafimaad badantahay uguna awooda iyo wakhtiga badantahay,
Xaqiiqadu waxay tahay ma jiro qof maanta aduunyada geeri ka door bidaya Bani aadam walbaa waxa uu jecelyahay in uu kusii nagaado daarta aduunyo.ee dhamaanaysa

Rasuulku (SCW)Asaga oo ka hadlaya aduunyada raqiisnimadeeda waxa uu yiri 
"Qofkiin fartiisa bada ha galiyo kadib hakasoo saaro inta ay fartaas soo qaado buu aduunku lamid-yahay"

Waxaan ognahay in aan dhamaanteen ku xukumanahay dhimasho iyo in aan mari doono imtixaan,

waxaa xaqiiqo ah in naoloo sheegay ama nalooku cel celiyo maalin walba su'aalaha nalaku waydiin doono imtixaankaas.

"Allaahayow su'aasha qabriga noo fududee"


Walal waxaa markhaati ma doonto ah aduunkan laga tago,mana ahan daarta laggu nagaanayo tan ee waa daarta danbaysa oo Illaahay ku tilmaamay daar aan dhamaanayn.

Cida kaliya ee baaqiga ahaanaysa waa Allah (SW)kor ahaaye,

Walaal waxaad mar walba xasuusataa Geerida iyo Qabriga,waxaadna ku baraarugsanaataa in aad mari doontid marxaladaas.waxa keliya ee ku badbaadin karaa walal waa camal-kaaga wanaagsan cid kaliya ee naloosheegay in ay badbaado u qorantahay waa cida camal wanaagsan la tagta Alle (SW) Kor ahaaye hortiisa.

Gunaanad.

Walaal waxaa Illaahay (SW)kor ahaaye inaku tilmaamay in aan nahay umad is farta wanaaga iskana reebta xumaha.waxaana inala gudboon in aan sifada Allah (SW)kor ahaaye inaku tilmaamay aan yeelano.

Illaahay ha ina ka dhigo kuwa is fara wanaaga xumaantana iska reeba.

وباللة توفيق


Mahadsanidiin

Qore:Kamaal Macalin 

Wednesday, February 25, 2015

Xasan Sheikh

 Madax waynaha shaqadiisu,shaqadiisu ma ahan Tacsida Madaxda la laayo,ee shaqadiisu waa la xisaabtanka iyo wax ka waydiinta cida uu amniga u dhiibay.

Xasan iyo xilkiisa eega
xantaan suuqa taal bal fiirsha
xasuuqii doraato daawo
xafladii ka danbaysay fiirso
xaqoodii bal raadi maanta
xogtoodii waxay ahaatay
xil bay no hayeen doraato
xabaalaha maanta fiiri
xubnihii baarlamaanka raadi
Qoraagii xiligan dayday
Waxay jiifaan xabaasha


Qore:Kamaal Macalin

Sunday, February 22, 2015

Hogatusaalayn!!!!


Hogatusaalaynta dadka wax loogu tilmaamo,waxaa kamid ah
Sheeko dhex martay gabar iyo wiil jeclaa,gabadha oo ahayd qof imtixaamaysa wiilka,ayaa tiri "Hadii aad i jeceshahay waxaad ii keentaa hooyadaa wadneheeda,"
wuxuu waydiiyay hadii uu u keeno wadnaha hooyadiis in ay ogaalanyso,"Haa iyo hawraarsan ayay ugu jawaabtay,"wiilkii oo ordaya ayaa hooyadiis u tagay una sheegay waxa uu doonayo oo ah wadneheeda,hooyadii waxa ay tiri hadaad la baxdid wadnahayga oo aad u gaysid maku ogolaanaysaa haa ayuu yiri,
haye labax wadnahayga oo u gee ayay tiri hooyadii naxariista badnayd,

Waa uu la baxay wadnihii hooyadiis asaga oo lasii ordaya ayuu kufay,wadnihiina dhulka ayuu ku dhacay,wadnihii baa hadlay oo yiri "Hooyo maxaa ku gaaray" Asagoo aan ku baraarugin hadalkaasa ayuu inta uu jafjaftay oo qaaday wadnihii u geeyay gabadhii oo ku yiri waakan wadnihii hooyaday ee ina keen waxay ku tiri "War nagatag doqonyohow"

Tan u fahmi waayay wiilku ayaa ah in uu asagu yahay wadnihii hooyadiis

Dulucda!!!!
Waxaan ka faa"idaysanaynaa sheekadan laba qodob oo kala ah naxariista hooyada iyo Qof walbaa fahmo in uu asagu yahay wadnaha hooyadiis

Kamaal Macalin
By:Abwaan Mohamed Ibrahim Warsame (Hadraawi)

Taariikh Nololeedkii Allaha U Naxariistee C/shakuur Mire Aadan

Ilaahay Naxariistii Janno ha siiyo Marxuum Cabshishakuur Mire Aadan wuxuu ku dashay Degmadda Qandala ee Gobolka Bari, 1963dii.Waxbarshada Dugsiga hoose wuxuu ka bilaabay Isku-shuban 1970kii, wuxuuna ku dhamaystay Buule Barde 1974, Dugsiga dhexe wuxuu ku qaatay Muqdisho, wuxuuna ka baxay Dugsiga Sare ee Badda 1982, Wuxuu ka Qalanjabiyay Kulliyadii Macalimiinta Farsamada. Qaybta badda isagoo ku takhakhusay Nautical Science (Aqoonta Badmaaxnimada), Sanadkii  1986 wuxuu Macalin ka ahaa Dugsigii sare ee badda Muqdisho. Sanadkii 1987 wuxuu shaqaale ka noqday Wasaaradii Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda ee Dowladii Somaliya.
Qoraalka wuxuu bilaabay 1982, Maqaalo ayuu ku qoray Wargeykii Xiddigta October. 1985 ayuu qoray qisadii Sooryo-dhagareed. 1986 wuxuu isku duba riday qoraal sheekooyin gaagaaban  Xusuus caashaq. 1987 wuxuu qoray qiso xiiso badan   Dhalanteed jacayl 1988-dii wuxuu qoraalkiisa wax ku lahaa film la oran jiray  Eedaysane, islamarkaana ka ahaa soo saare. Sanadkii 1991 wuxuu ka aas aasay Magaalada Kismaayo Wargayska Ilays.
2001 wuxuu mulkiile iyo Agaasime ka ahaa Radio Midnimo oo ku tiil Magaalada Bosaso, 2008 wuxuu dib u bilaabay Wargayskii Ilays news paper oo ka soo baxa Magaalada Bosaso. 2003 ayuu xubin ka noqday Bahda Qalinleyda Soomaaliyeed” Somali Speaking Pen” . Sanadkii 2003 Wuxuu Soo Saaray Buugii Koboca Islaamiyiinta Soomaaliya(1952-2002).
Alla ha u naxariistee, C/shakuur Mire Aadan jagooyin kala duwan ayuu ka soo qabtay Maamulka Dowladda Puntland, 2002 Wuxuu noqday Wasiir k/xigeenkii Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta ee Puntland, isla Jagaadaas Waxaa uu markale Qabtay Sanadkii 2009 Maamulkii Madaxweyne C/raxmaan Faroole. Waxaa kaloo uu Qabtay Jagada Wasiiru Dowlaha Dekedaha iyo la Dagaalanka Burcad- Badeeda Puntland, sidoo kale wuxuu  la Taliye u noqday Madaxweyne Cadde Muuse Xirsi.
Alla ha u naxariistee, C/shakuur Mire Aadan Wuxuu ifka kaga Tagay Saddex Caruur  Labo Wiil iyo Gabar iyo Hooyadood . Alle ha u naxariistee Walaalkeen Cabdi shakuur mire Waxaa lagu Xasuusan Doono inuu Qoraa, Siyaasi Hadal Cad oo aan ka Gaban inuu runta ka hadlo, Wuxuu  ahaa nin jecel inuu Taariikh  uga Tago Dadkiisa iyo Dalkiisa, Wuxuu ahaa Saxiib dhow oo Warbaahinta iyo Saxafiyiinta ay lahaayeen.
Inaa lilaah waa Inaa illahi Raajicuun

W/Q : Cumar Siciid Maxamed

Kala Maan

Kala Maan


Waxaan daawaday barnaamij TV oo saynisyahan British ahi uu baarayo bal in nolol kale oo midda aan naqaan ahayni ay ka jirto dunida. 

Wuxuu badda hoos u galay 2 km si uu u eego qabowga iyo mugidiga meeshaa ka jira in ay nololi ka jiri karto.

Wuxuu eegay lama degaanka Atacama (Atakama) oo 50 jeer ka sii qallalan midka Sahara. 

Wuxuu booqday goobo kale oo ay ka mid yihiin buuro barafoobay iyo volcano aan demin oo ku yaal degaanka Cafarta Ethiopia.

Wuxuu adeegsanayay ereyga "ilbaxnimadeyda", asaga oo ula jeeda ilbaxnimada Aadanaha.
Gunaanadkii waxaa uu fasiray macnaha ay sameyneyso haddii nolol laga helo meerayaal kale oo ka tirsan carra edeg.
Waxaan soo xusuustay dood uu xilli aan fogeyn iila yimid mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Wuxuu wakhti dhan geliyay in uu ii fasiro wax uu isagu u yaqaan “Ku dhashay” iyo “U dhashay” oo uu siyaasad ka dhigayo.
Barnaamijka baadi goobaya in Mars iyo Jupiter ay nololi ka jiri karto ee raba in uu i baro sida looga faa’iidi karo iyo wey isu key qaban waayeen Xildhibaanka raba in uu i baro “Ku dhashay” iyo “U dhashay” .

Fadlan ra'yigaaga xagga hoose ee isla boggan ku reeb. 
 
By.Yusuf Garaad