Sunday, December 13, 2015



10 Qodob oo aad ku siyaadin kartid fikiradahaaga iyo hal abuurkaaga

Fekarku waa qayb ka mid ah lagama maarmaanka maskaxda bani aadam-ka,tobankaan qodob waxay ay kaa caawinayaa xaaldheerida fikirka iyo hal-abuurka .wax walba oo shaqo laagu talagayalay oo aan lagu shaqayn ama aan sidii loogu tala galay loo hawl galin waxay noqdaan fadhiid,ka ilaali maskaxdaada in ay noqoto haw-gab ama fadhiid adigoo raacaya qodobadaan
1-Ufur maskaxdaada maqal ahaan iyo aragti ahaanba wadaayinka sahaminta, si ay usoo xasiliso waxyaabo cusub,taasi waxay ku dhaxalsiinaysaa waaya aragnimo xeeldheer oo aad la noolaatid.
2-Akhri in badan.in akhrisku yahay wado cilmiga ugu badan lagu helo waxaa cadayn inoogu filan Qur’aanka ILLAAHAY (SWT) soo dajiyay aayadii u horaysay  (IQRA) akhrisku waa macaash iyo milgo badanyahay sagana ku dadaal.
3-Dhagayso taariikhaha.
dhagaysiga dadka waawayn ee cimri ahaan iyo caqli ahaanba kaa wayn waxaad ka helaysaa waxyaabo aadan horay u ogayn oo ay kamidyihiin taariikho hore,meelo lagu hoobtay,ama sanado lasoo barwaaqoobay intaba isugu jira .

4-Ahaw mid cajiib ah.
baro oo soo saar fikrado cusub oo loo riyaaqo asxaabtaadana la wadaag oo kala sheekayso waxyaabo cusub feker ahaan iyo soo jeedin intaba .

5-Ha noqon mid ka baqa isku dayga wax cusub . 

Mar walba isku day hadii aad guulaysatid waxaad tahay kii isku dayay guushan.hadii aad heshid natiijo taa ka badalan waxaad baratay cashar waxaa kaloo kuu siyaaday khibrad.

6-Balaari danahaaga.
mar walba oo danahaagu badanyihiin waxaa bata fekerka maskaxdaada, maskaxda oo aad looga shaqaysiiyana waxaad ka macaashaa xirfado badan .

7-Hormari waxa aad ku fiicantahay.
wakhtiga ugu badan la qaado hibadaada iyo waxa alle kuu fududeeyay. Hana samayn bartilmaameed aad uga haraysid mawdka oo ku haleela ma ahee .

8-Wakhtigaaga geli dadka hal-abuurka badan fikiradohooduna ay wax tarka leeyihiin.badi dhagaysigooda dulqaadna u yeelo sharaxaadooda si aad u fahantid.

9-Daba gal ku same afkaaro kala duwan.
tani waxay ka milgo badantahay hal fikir oo lala kaliyoobo ,adiga oo wadooyin kala duwan ka fekera waa adiga oo cilmiyo kala duwan helaya .

10-Ku xaaladee maskaxdaada farsamooyin fikir si aad u nasato.
nasiinada maskaxda waxay ka dhigantahay dib usoo kicid ayada oo karaankeedu ka badanyahay intii hore .

FG:Arimahan oo idil waxaad ku guulaysan kartaa marka aad raali galisid  ALLAH (swt)

@Kamaal Macalin