Hogatusaalayn!!!!
Hogatusaalaynta dadka wax loogu tilmaamo,waxaa kamid ah
Sheeko dhex martay gabar iyo wiil jeclaa,gabadha oo ahayd qof
imtixaamaysa wiilka,ayaa tiri "Hadii aad i jeceshahay waxaad ii keentaa
hooyadaa wadneheeda,"
wuxuu waydiiyay hadii uu u keeno wadnaha
hooyadiis in ay ogaalanyso,"Haa iyo hawraarsan ayay ugu
jawaabtay,"wiilkii oo ordaya ayaa hooyadiis u tagay una sheegay waxa uu
doonayo oo ah wadneheeda,hooyadii waxa ay tiri hadaad la baxdid
wadnahayga oo aad u gaysid maku ogolaanaysaa haa ayuu yiri,
haye labax wadnahayga oo u gee ayay tiri hooyadii naxariista badnayd,
Waa uu la baxay wadnihii hooyadiis asaga oo lasii ordaya ayuu
kufay,wadnihiina dhulka ayuu ku dhacay,wadnihii baa hadlay oo yiri
"Hooyo maxaa ku gaaray" Asagoo aan ku baraarugin hadalkaasa ayuu inta uu
jafjaftay oo qaaday wadnihii u geeyay gabadhii oo ku yiri waakan
wadnihii hooyaday ee ina keen waxay ku tiri "War nagatag doqonyohow"
Tan u fahmi waayay wiilku ayaa ah in uu asagu yahay wadnihii hooyadiis
Dulucda!!!!
Waxaan ka faa"idaysanaynaa sheekadan laba qodob oo kala ah naxariista
hooyada iyo Qof walbaa fahmo in uu asagu yahay wadnaha hooyadiis
No comments:
Post a Comment