Ilaahay Naxariistii Janno ha siiyo Marxuum Cabshishakuur Mire Aadan
wuxuu ku dashay Degmadda Qandala ee Gobolka Bari, 1963dii.Waxbarshada
Dugsiga hoose wuxuu ka bilaabay Isku-shuban 1970kii, wuxuuna ku
dhamaystay Buule Barde 1974, Dugsiga dhexe wuxuu ku qaatay Muqdisho,
wuxuuna ka baxay Dugsiga Sare ee Badda 1982, Wuxuu ka Qalanjabiyay
Kulliyadii Macalimiinta Farsamada. Qaybta badda isagoo ku takhakhusay
Nautical Science (Aqoonta Badmaaxnimada), Sanadkii 1986 wuxuu Macalin
ka ahaa Dugsigii sare ee badda Muqdisho. Sanadkii 1987 wuxuu shaqaale ka
noqday Wasaaradii Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda ee Dowladii
Somaliya.
Qoraalka wuxuu bilaabay 1982, Maqaalo ayuu ku qoray Wargeykii
Xiddigta October. 1985 ayuu qoray qisadii Sooryo-dhagareed. 1986 wuxuu
isku duba riday qoraal sheekooyin gaagaaban Xusuus caashaq. 1987 wuxuu
qoray qiso xiiso badan Dhalanteed jacayl 1988-dii wuxuu qoraalkiisa
wax ku lahaa film la oran jiray Eedaysane, islamarkaana ka ahaa soo
saare. Sanadkii 1991 wuxuu ka aas aasay Magaalada Kismaayo Wargayska
Ilays.
2001 wuxuu mulkiile iyo Agaasime ka ahaa Radio Midnimo oo ku tiil
Magaalada Bosaso, 2008 wuxuu dib u bilaabay Wargayskii Ilays news paper
oo ka soo baxa Magaalada Bosaso. 2003 ayuu xubin ka noqday Bahda
Qalinleyda Soomaaliyeed” Somali Speaking Pen” . Sanadkii 2003 Wuxuu Soo
Saaray Buugii Koboca Islaamiyiinta Soomaaliya(1952-2002).
Alla ha u naxariistee, C/shakuur Mire Aadan jagooyin kala duwan ayuu
ka soo qabtay Maamulka Dowladda Puntland, 2002 Wuxuu noqday Wasiir
k/xigeenkii Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta ee Puntland, isla
Jagaadaas Waxaa uu markale Qabtay Sanadkii 2009 Maamulkii Madaxweyne
C/raxmaan Faroole. Waxaa kaloo uu Qabtay Jagada Wasiiru Dowlaha Dekedaha
iyo la Dagaalanka Burcad- Badeeda Puntland, sidoo kale wuxuu la Taliye
u noqday Madaxweyne Cadde Muuse Xirsi.
Alla ha u naxariistee, C/shakuur Mire Aadan Wuxuu ifka kaga Tagay
Saddex Caruur Labo Wiil iyo Gabar iyo Hooyadood . Alle ha u naxariistee
Walaalkeen Cabdi shakuur mire Waxaa lagu Xasuusan Doono inuu Qoraa,
Siyaasi Hadal Cad oo aan ka Gaban inuu runta ka hadlo, Wuxuu ahaa nin
jecel inuu Taariikh uga Tago Dadkiisa iyo Dalkiisa, Wuxuu ahaa Saxiib
dhow oo Warbaahinta iyo Saxafiyiinta ay lahaayeen.
Inaa lilaah waa Inaa illahi Raajicuun
W/Q : Cumar Siciid Maxamed

No comments:
Post a Comment