Kala Maan
Waxaan daawaday barnaamij TV oo
saynisyahan British ahi uu baarayo bal in nolol kale oo midda aan naqaan ahayni
ay ka jirto dunida.
Wuxuu badda hoos u galay 2 km si uu u eego qabowga iyo
mugidiga meeshaa ka jira in ay nololi ka jiri karto.
Wuxuu eegay lama degaanka Atacama (Atakama) oo 50 jeer ka sii qallalan midka
Sahara.
Wuxuu booqday goobo kale oo ay ka mid yihiin buuro barafoobay iyo
volcano aan demin oo ku yaal degaanka Cafarta Ethiopia.
Wuxuu adeegsanayay ereyga "ilbaxnimadeyda", asaga oo ula jeeda ilbaxnimada Aadanaha.
Wuxuu adeegsanayay ereyga "ilbaxnimadeyda", asaga oo ula jeeda ilbaxnimada Aadanaha.
Gunaanadkii waxaa uu fasiray macnaha ay
sameyneyso haddii nolol laga helo meerayaal kale oo ka tirsan carra edeg.
Waxaan soo xusuustay dood uu xilli aan
fogeyn iila yimid mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Wuxuu wakhti dhan
geliyay in uu ii fasiro wax uu isagu u yaqaan “Ku dhashay” iyo “U dhashay” oo uu siyaasad ka dhigayo.
Barnaamijka baadi goobaya in Mars iyo
Jupiter ay nololi ka jiri karto ee raba in uu i baro sida looga faa’iidi karo
iyo wey isu key qaban waayeen Xildhibaanka raba in uu i baro “Ku dhashay” iyo “U
dhashay” .
Fadlan ra'yigaaga xagga hoose ee isla boggan ku reeb.
Fadlan ra'yigaaga xagga hoose ee isla boggan ku reeb.
By.Yusuf Garaad

No comments:
Post a Comment