Wuxuu Watay Gaari Cad Oo Ah Kuwa Raaxada, Hooyadeed Ayuu U Tagay Lugaha Ayuu Ka Dhunkaday Waa Uu La Fariistay AYada Ayuuna Galabkaas Casariyaha La Cabay,
Hufan Halkaan Ayay Fadhidaa Ayadoo Dareen Wanaagsan Muujinaysa Indho Naxasriis Lehna Ku Eegaysa,
Gaariga Ayuu Dib Ugu Laabtay Juwaano Iyo Kartoomo Uu Xaafada Ugu Tala Galay Ayuu Soo Rogay.
Muhiimad Badan Ma Siin Hufan Oo Wakhti Badan Lamuu Hadlin Wuxuu U Arkayay Qof Ka Mid Ah Dadka Guriga Jooga, Laakiin Wuxuu Aad Ula Sheekaysanayay Hufan Hooyadeed Iyo Walaalehed.
Isla Galabkaas Ayuu Macsalaameeyey Asagoo Yiri "Hooyo Caawa Waan Jeclaa Inaan Idinla Hoydo Ee Xaaskaygii Oo Foolanaysa Ayaan Ka Gaarayaa Si Aan Goob Joog Ugu Ahaado Dhalashada Ilmahayga"
Hufan Ayadu Wali Waxay Sugaysaa In Uu Gees Ula Baxo Uuna Kala Hadlo Arimo Khuseeya Gurigoodii BurBuray,Asaguse Waxaan Niyadaba Kuma Hayo
Hufan Hooyadeed Ayuu Si Kal Iyo Laab Ah U Macsalaameeyay Dadkii Kalana Hal Mar Ayuu Si Guud U Salaamay Asagoon Aan Hufan Si Gooni Ah U Carabaabin.
Hufan Uurka Ayay Iska Waydiisay Dib Ayay U Xasuusatay Noloshoodii Su'aalo Badan Ayay IS Waydiisay Waxayse Uurka Iska Lahayd Wixii Idinkala Waday Adiga Iyo Hanad Qadar Alle Uun Bay Ahaaye, Inkastoo Sababta Ayadu Lahayd Hadana Qadar Alle Ayay Kusoo Gaabisay .
Lawadaag Asxaabtaada
Mahadsanidiin
Lasoco
Qaybta 2 AAD
No comments:
Post a Comment